Taiwan oo diyaarineysay dagaal ay la gasho Shiinaha

Taiwan (Raxanreeb Online) Dowlada Taiwan ayaa ku jirta isku diyaarintii u dambeeysay dagaal ay la gasho dalka Shiinaha ayaa maanta ku dhawaaqday lacag dhan $40 billion oo dollar inay hub kusoo iibsanayso oo  isugu jira Diyaaradaha Droneska ka iyo gantaalaha la hago.

Masuul u hadlay dowladda Taiwan ayaa warbaahinta u sheegay in wax badan iska badalay dagaalkii la yaqaanay,  wuxuu sheegay in waqtigan casriga ah dagaalka uu kusoo aruuray nidaamka casriga ah ee GPS ka.

Waxaa jira xog tilmaamaysa in dalka China uu qorshaynayo sanadka 2027 uu jaziiradaas uu xoog kula wareegi doono iyagoo aaminsan tahay in Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul waynaha Shiinaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.