Taliyaha ciidanka boliiska Asad Diyaano oo kormeer ku sameeyay qaar kamid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada boliiska ee ku yaala gobolka Banaadir, waxa uuna kormeerkan ugu kuurgalayay sida ay u shaqeeyaan saldhigyada iyo ciidanka jooga.

Sidoo kale, Asad Diyaano ayaana si gaar ah u kormeeray xalay saldhigyadda boliiska ee degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne, waxa uuna halkaasi kula kulmay kana dhageestay warbixinno taliyaasha saldhigyadaasi iyo saraakiisha kale ee joogta.

Waxa uu taliyaha si gaar ah u eegayay sida ay heeganka amni ugu jiraan ciidanka booliiska ee ka howlgalla saldhigyada uu booqday, waxa uu sidoo kale u kuur galayay xaalada amni ee ka jirta degmooyinka uu tagay iyo sida ay uga dhax shaqeeyaan ciidanka amniga.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Diyaano, ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada booliiska u hayaan shacabka ku dhaqan degmooyinka uu tagay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

Kormeerka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa kusoo aadeysa xilli uu maalmahan xumaaday ammaanka qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal  loo geesanayay ganacso kaamirada CCTV goobahooda ku xirtay.

Al-shabaab ayaana ku amreysa ganacsatada magaalada Muqdisho in ay kaamirooyinka ka saaraan goobahooda ganacsi, waxa ayna dil ugu hanjabeen ciddii amarkooda diida, waxaana hadda xiran ganacsiyo badan oo kuyaalla degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.