Taliyaha ciidanka boliiska oo xilka laga qaaday xil kalana loo magacaabay.

Taliyaha ciidanka boliiska oo xilka laga qaaday xil kalana loo magacaabay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray ugu magacaabay, Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS.

Sidoo kale, Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin ayaa hadda ah taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta oo Khamiis ah shirka golaha Wasiirrada looga qaado xilka taliyaha ciidanka booliiska uu muddo labo sano ah soo hayay.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana maanta loo magacaabi doonaa Asad Diyaano oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland, waxaana sargaalkan muddo la hadal hayay in xilkan loo magacaabi doono, balse Ra’isul Wasaare Xamse ayaa diidanaa in taliyaha booliiska xilka looga qaado.

Sikastaba, Sareeya Gaas Sulub Axmed Firin ayaa lagu abaalmariyay kahor xil ka qaadistiisa derejo ciidan oo loo dallacsiiyay iyo in din loogu celiyo wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya uu horey wasiiru dowlo uga ahaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.