Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro Qasa ay aad u dhowdahay.
“Aad ayay ugu dhow yihiin inay xabbad-joojin gaaraan,” ayuu yiri Trump mar uu qabanayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Oval Office, isagoo intaa raaciyay, “Waanu idinla socodsiin doonnaa wixii kasoo kordha berri (Sabtida). Waxaan fursad u heysannaa gaaridda heshiis.” Ayuu yiri Trump.
Mareykanka ayaa soo jeedinta heshiiska u gudbiyay Xamaas. Soo jeedinta ayaa markii hore waxaa aqbalay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Xamaas ayaase dhankeeda sheegtay inay la tashi dhexdooda ah sameyneyso.

Leave a Reply