Kuraastii ay ka geeriyoodeen xildhibaan Seysey iyo wasiir Khadiijo Diiriye oo maanta la dooran doono

Jowhar ( Raxanreeb Online) Doorashada kuraasta HOP097  iyo  HOP098 oo katirsan golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacaan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle.

Kuraastaan ayaa waxaa bananeeyay oo ka geeriyooday wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, iyo xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale ( Sey-sey) oo labaduba katirsanaa Baarlamaanka golaha Shacabka.

Kuraastan ayaa waxa u kala tartamaya Cabdikariin Maxamed Diiriye, oo u sharaxan HOP097 halka Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed uu asna u sharaxan yahay HOP098.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota magaalada Jowhar, waxaana howlka doorashada goob joog ku ah ergada dooraneysa mas’uuliyiin dowladeed iyo kormeerayaal madax-banaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.