Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Ciraaq iyo Suuriya kaddib weerarkii ka dhacay Ankara

Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Ciraaq iyo Suuriya kaddib weerarkii ka dhacay Ankara

Ankara (KAAB TV) – Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 22 kalana la dhaawacay kaddib marki laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee Warshadda Diyaaradaha iyo Dayax-gacmeedyada Cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka fulisay la dilay. Wuxuu kaloo sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato.

Dhanka kale, Turkiga ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso muuqaal laga sii daayay telefishannada ayaa muujiyay, laba nin oo hubeysan oo galaya xarunta TUSAS ee u dhaw Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu weerarka ku eedeeyay kooxda mamnuuca ka ah Turkiga ee PKK, oo ah koox u dagaalanta xorriyadda Kurdiyiinta Turkiga.

Dhanka kale, war aroornimadi hore ee saaka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Turkiga ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Suuriya ay ku burburiyeen, ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin PKK.

Waxay sheegeen in ay dileen tiro ka mid ah ururka PKK, balse ma aysan xaqiijin tirada saxda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.