Ururka Xamaas oo dalka Lubnaan looga dilay Taliye guuto oo lagu magacaabo Alqasam.

Ururka Xamaas oo dalka Lubnaan looga dilay Taliye guuto oo lagu magacaabo Alqasam.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Hoggaamiyaal katirsan kooxda hubeysan ee Xamaas ayaa lagu weeraray deegaanno kuyaalla dalka Lubnaan, waxaana lagu soo waramayaa in duqeymo Israa’iil fulisay lagu dilay hoggaamiyaal muhiim u ahaa kooxda Xamaas.

Sidoo kale, milatariga Israa’iil ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen dalka Lubnaan ku dileen Saciid Atallah Ali, oo ahaa hoggaamiyaha garabka milatari ee Ururka Xamaas, kuwaa oo loo yaqaan guutada Al-Qassam.

Dhanka kale, duqeynta ayaa ku dhacday guriga uu deganaa hoggaamiyaha guutada Al-Qassam ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa iyo labo carruur ah uu dhalay , waxaana duqeyntan ay sheegeen Israa’iil in lagu guuleestay bartilmaameedkeeda ayna dileen hoggaamiye ay muddo raadinayeen.

Garabka hubeysan ee Al-Qassam ayaa u baroor diiqaya hogaamiyihii guutada  Saciid Atallah Ali, waxa ayna kooxdan ku hanjabeen in ay u aargudi doonaan hoggaamiyahooda , iyaga oo sheegay in Israa’iil ka shallay doonto dilka hoggaamiyahooda.

Sikastaba, milateriga Israa’iil ayaa dalka Lubnaan ku beegsaday kuna dilay hoggaamiyaal sar sare oo katirsanaa kooxaha Xisbullaah iyo Xamaas, waxaana lasoo warinayaa in Israa’iil kooxo sirdoon ku dhax sameesatay gudaha dalka Lubnaan, kuwaa oo xoggo sax ah lasoo wadaagaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.