Nairobi ( Raxanreeb Online) Waaxda dambi-barista Kenya ayaa sheegay inay howlgal xirfadeysan ku soo xireen 26 qof oo sida la sheegay ku lug lahaa ama si sharci darro ah oo aan waafaqsanayn habraaca helitaanka dukumentiyada muhiimka ah ee dawladda ku bixinayay dukumentiyo ay kamid yihiin Kaararka Aqoonsiga dalka, Baasaboorka, Shahaadooyinka Dhalashada, iyo Kaararka Aqoonsiga Ajaanibta ee dadka ajaaniibta ah iyo kuwo kale.
Hawlgalka oo laba maalmood socday ayaa lagu qabtay shaqaale dawladeed oo ka tirsan Xafiiska Diiwaan-gelinta Qaranka iyo Agaasinka Socdaalka, iyadoo sidoo kale la qabtay odayaal dhaqameed, maalgeliyayaasha qorshayaasha sharci-darrada ah, iyo dhexdhexaadiyeyaal dardar geliyay soo saarista dukumentiyadan iyada oo loo marayo waddooyin musuqmaasuq ah.
Baaritaannada ayaa shaaca ka qaaday shabakad isku xiran, halkaasoo shaqaalaha dawladdu ay si xun u jebiyeen habraacyada la dejiyay, iyaga oo ka faa’iideystay jagooyinkooda si ay u fududeeyaan diiwaangelinta iyo soo saarista dukumentiyada aasaasiga ah si sharci darro ah.
Ganacsigan sharci darrada ah ah ayaa si xun u wiiqaya daacadnimada nidaamyada dawladda, waxaana uu dalka u hor seedayaa khataro xagga amniga ah oo halis ah, oo ay ku jirto soo gelitaanka iyo ka bixitaanka dadka e dalka si qarsoodi ah.
Intii hawlgalku socday, dambi baarayaasha ayaa gacanta ku dhigay tiro badan oo dukumentiyo dawladeed iyo agabyo kale oo laga helay guryaha qaar ka mid ah eedaysanayaasha, kuwaas oo ah agab ay tahay in si adag loogu ilaaliyo xafiisyada dawladda Kenya.

Leave a Reply