Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Baarsanguuni, waxaana uu yimid kaddib markii Al-shabaab, ay weerar madaafiic ah ku qadeen saldhigga, isla markaana waxaa intaas kaddib xigay dagaal toos ah oo labada dhinac dhex maray.

Deegaanka Baarsanguui, waxaa Saldhig ku leh ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka.waxaana goobta ka dhacay dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan ciidanka Jubbaland, ayaa sheegay in ay jabiyeen Al-shabaabka weerarka soo qaaday, ayna dileen horjogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemaya qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa sare u qaaday howlgallada ay ku qaadayaan deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.