Muqdisho ( Raxanreeb Online) Qarax ismiidaamin ah ayaa xalay ka dhacay xerada militariga Gen. Dhega-badan oo hore loo oran jiray xerada Nac-nac ee magaalada Muqdisho.
Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa gudaha u galay xerada, kaas oo isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamo halkaas tababar uga socday. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qaraxa waxay sheegtay in qof watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee xeradda.
Dowladda Soomaaliya waxay khasaaraha halkaas ka dhashay ku sheegtay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dhowr qof oo ka mid ah ilaalada xerada.
Xerda Janaraal Dhega-badan ayaa ku taalla xaafadda Jasiira ee degmada Wadajir waxaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo.

Leave a Reply