Wararkii ugu danbeeyay ee Gaza

Wararkii ugu danbeeyay ee Gaza

Gaza (Raxanreeb) — Mid ka mid ah idaacadaha Lubnaan ayaa sheegay in labo ka mid ah weriyeyaashooda lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta dalkaas.

Milateriga Israa’iil kama hadlin eedeymahan gaarka ah, balse waxay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen weerarro ka dhacay xadka waqooyiga ay la wadaagto Lubnaan, iyagoo sheegay inay ” aqoonsadeen oo ay weerareen saddex unug oo argagixiso ah oo hubeysan”.

“Intaa waxaa dheer, diyaaradaha dagaalka ee IDF waxay duqeeyeen dhowr bartilmaameed oo argagixisada Xisbullah ah, oo ay ku jiraan kaabayaal ciidan iyo dhismayaal loo isticmaalo hagidda dhaqdhaqaaqa argagixisada,” ayuu yiri afhayeenku.

“Waqti yar ka hor, argagixisadu waxay madaafiic ku garaaceen fariisin ciidamada IDF ay ku leeyihiin waqooyiga Israa’iil.

“Ma jirto wax dhaawac ah oo la soo wariyay, madaafiicda ciidamada IDF ayaa hadda garaacaya halka madaafiicdaas laga soo tuuray.”

Goor sii horeysay, idaacadsa Al-Mayadeen ayaa sheegtay in la dilay weriyaheedii Faarax Oomaar iyo sawir qaade Rabih Al-Mecmari.

BBC