WARBIXIN | Villa Somalia oo fashil ka haysta warbaahinta madax banaan.

WARBIXIN | Villa Somalia oo fashil ka haysta warbaahinta madax banaan.

Muqdisho (Raxanreeb  ) In muddo ahba waxaa taagnaa  khilaaf u dhaxeeyay Villa Soomaaliyo iyo warbaahinta  madax banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho  , taas oo ka dhalatay hab dhaqanka waaxda warfaafinta Villa Soomaaliya.

Inta badan warbaahinta ayaa caqabad ku qabay  la macaamiilka iyo helida xogta Villa Soomaaliya taas oo ay u sii dheerayd  gabaabsiga ku yimid wada shaqaynta labada dhinac.

Khilaafka  jira xoogiisa waxa uu soo baxay mar Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh uu ka qayb galayay dood dadwayne markaas oo warbaahinta si isku mid ah ay u diideen baahinta tooska ah ee dooda uu ka qayb galayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Telefishinada madaxa bannaan ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa qaadacay baahinta tooska ah ee dooda Madaxweynaha martida ku yahay ee hotel Jazeera ka socota .

Diidmada ayaa timid saluug ay ka qabaan hab dhaqanka Villa Somalia ee warbaahinta madaxa bannaan oo waayadi u dambeeyey sii xumaanayey .

Illaa 8 TV ayaa diiday oo isku raacay go’aanka waxaana ay ku balameen in kulan ay isaga yimaadaan sida laga yeelayo wada shaqeynta Villada iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.