WARCUSUB : Soomaaliya oo ka mid noqotay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

WARCUSUB : Soomaaliya oo ka mid noqotay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

New York (Raxanreeb ) – Maanta oo Khamiis ah Soomaaliya ayaa ku guulaystay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay ka dib markii ay la tartantay shan dal oo u sharaxanaa kursiga.

Doorashadan sida ay u socotay la socday wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo galangal xoogan ku lahaa sida ay u socotay doorashadan maanta Soomaaliya ku guulaysatay.

Waxa ay ka mid noqon doontaa Soomaaliya shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, waxa ayna goobjoog ka noqonayaan cod bixinta dhaceysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.