WARCUSUB : Tuulo ku taala Niger oo dad badan lagu laayay.

WARCUSUB : Tuulo ku taala Niger oo dad badan lagu laayay.

Niger (Raxanreeb )- Kdib weerar koox Islaami ah ay ku qaaday dalka Nigeria ee dhaca Galbeed Afrika ayaa sababay in toban qof  lagu dilo ugu yaraan 160 kalana  lagu afduubtay tuulo ku taalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria

Tiro badan oo hubaysan, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Nigeria ee Boko Haram, ayaa habeenkii Jimcaha soo galay tuulada Kuchi.

Dableyda ayaa la sheegay in ay Mooto Bajaaj ku galeen Kuchi oo ay xitaa waqti ku qaadanayeen, iyaga oo shaah ku sameysanayay dhacna u geysanayay guryaha qaar ka hor inta aysan ka bixin wax ka badan laba saacadood, dadka la qaafay  ayaa waxaa ku jira caruur xilli la laayay dad ugaarsato ahaa oo deegaanka ah.

Kooxda Booka Haaraam weerarrada ay ka geysanayso  gobolka Niger ayaa noqday kuwa soo badanaya inkastoo inta badan aan la kala cadeyn in ragga hubeysan ay xiriir la leeyihiin kooxaha jihaad doonka ah, waxaana wali dowladdu ay u maaro la’dahay kooxdaan oo dhibaato ku haysa dadka gobollada Nigeria.

Leave a Reply

Your email address will not be published.