Wariye Cumar Seerbiya oo caawa lagu weeraray Muqdisho.

Wariye Cumar Seerbiya oo caawa lagu weeraray Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo ka mid ah wariyaasha aadka looga yaqaanno guud ahaan Soomaaliya ayaa caawa  lagu weeraray maqaayad ku taalla degmada Waaberi ee Muqdisho.

Weerarkan wariyaha lagu qaaday oo loo adeegsaday bistoolad  ayaa ku beegnaa xilli uu  fadhiyey goob maqaayad ah oo ku taalla meel u dhow isgoyska shaqaalaha ee Muqdisho. Sida ay sheegeen dad goojoog ahaa weerarka waxa fuliyey soo qaaday sida la sheegay nin madaxa ay cimaamad ugu duubantahay kaasi oo intuu istaagay meel u dhow kursiga uu fadhiyey Cumar ka dibna uu isku dayey inuu laba xabbadood ka rido Bistooladda  balse nasiib wanaag xabbadaha ayaa midna ay agmartay garabkiisa midig halka inta kalena ay kadibtay.

Dadkii maqaayadda joogay iyo Cumar ayaa goobta iskaga baxdsaday iyada oo ninkii xabbaddaha ridayna aan uu si dhakhso ah u dhuuntay.

Cumar oo ah wariye  fanka Soomaalida muddo dheer ka shaqaynayey ayaa inta badan wuxuu u ololeyaa in fanka Soomaalida kor loo qaadayo isaga oo u u arka inuu yahay aalad loo adeegsan akro isku-keenidda bulshada iyo sidoo kalena inuu doorweyn ka qaadan karo nabadda iyo isku-xirnaanta dadka iyo tariikhdooda.

Cumar hadda waa madax wax soosaarka shirkadda warbaahinta ee Astaan.

Hore ayaa weeraro noocan oo kale ah waxa loogu dilay dad muhiim ahaa kuwaasi oo iskugu jiray, qorayaal, fannaaniin iyo weliba abwaanno weeraradaas waxa sheegtay kooxda Al-shabaab ee gacanta ku haysa qaybo badan oo  ka mid ah Soomaaliya, isna markaasna weerarada ka gaysata meelo ka mid ah dhulka ay dowladdu maamusho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.