Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaaray magaalada Hargeysa

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaaray magaalada Hargeysa

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaa maanta gaaray wefdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa;re.

Wefdigan ka socda Israa’iil ayaa madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro , waxa uu ku qaabilay madaxtooyada Somaliland, iyada oo la dhinac ay kawada hadli doonaan arrimo kala duwan.

Warbaahinta gudaha iyo tan Israa’iil ayaa tabinaya in labada dhinac ay kawada hadli doonaan xiriirka ka dhaxeeya iyo qorsho kala duwan oo ay wadato Talaabiib.

amniga magaalada Hargeysa, ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyada oo la yareeyay isku socodka dadka iyo gadiidka.

Israa’iil ayaa noqday waddankii  ugu horeeyay ee aqoonsaday Somaliland 260kii bishii December ee sannadkii hore, waxaana tallaabadaasi cambaareeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dalal kala duwan oo caalamka ku yaal.

Geesta kale wefdigan ayaa la filaya inay booqasho ku tagaan goobaha ganacsiga magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, si ay u indho indheyaan fursadaha maalgashi iyo iskaashi eek a dhaxeeya labada dowladood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.