Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay In Ciidanka Xoogga Dalka Loo Diyaariyay Ka Hortagga Cadawga Gudaha Iyo Dibadda.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay In Ciidanka Xoogga Dalka Loo Diyaariyay Ka Hortagga Cadawga Gudaha Iyo Dibadda.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sidii ay Qaranimada Soomaaliya uga difaaci lahaayeen khataraha gudaha iyo dibaddaba. Khudbad uu wasiirku u jeediyay askar tababar uga socday xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, ayaa ku nuux-nuux saday in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay sugaan xuduudaha Soomaaliya, isla markaana ay ka jawaabaan cid walba oo kusoo xadgudubta.

Wasiir Nuur waxa uu si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, isagoo walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay damaca Itoobiya ee ku aaddan kheyraadka badda Soomaaliya. Waxa uu u xaqiijiyey ciidamada in dawladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto ficillada Itoobiya, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha is-afgaradka badda ee muranku ka taagan yahay ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland.

“Waxaad maqlaysaa in Itoobiya badda timid. Ciidanku waa inuu aaminaa meel kasta oo uu joogo dalkiisa iyo dadkiisa. Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadooda waxay aaminsan yihiin inaan dhulkooda la qaadan karin,” ayuu yiri Wasiir Nuur, isagoo kula dar-daarmay ciidamada qalabka sida inay feejignaan muujiyaan oo ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo uu salka ku hayo heshiiska muranka dhaliyay ee badda ee ay la gashay Somaliland, kaasoo ay Soomaaliya u aragto mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda. Xaalada ayaa dhalisay cabsi laga qabo in gobolka uu ka dhaco isku dhac balaaran, iyadoo labada dal ay sheeganayaan dhul istiraatiiji ah.

Ciidamada qalabka sida, ayuu carabka ku dhuftay, in aysan u xilsaarneyn oo kaliya in ay iska difaacaan khataraha gudaha, balse ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cadow kasta oo dibadda ka yimaada oo doonaya in ay wiiqaan xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.