Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Wasiirrada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shir la qaatay Wasiirrada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudan Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow ayaa Shir la qaatay Wasiirada Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaana looga hadlay xoojinta Wadashadqeynta labada dhinac.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane C/fitaax Xasan Faarax, Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane C/llaahi Shiikh Daahir; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Galmudug Mudane Cabaas Xuseen Cali. sidoo kale waxaa Shirkaan khadka Foggaan Aragga kaga qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Jubland Mudane C/rashiid Maxamed Ducaale.

Ugu horeyn Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa xarunta Wasaaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirada Dowlad Goboleedyada waxa uuna ugu Mahad celiyey sida ay ugu soo qeybgaleen Shirka….”Muhiimadda kulankaan waa Isbarasho, Wadatashi iyo in la xoojiyo Wada Shaqeynta Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed, Wasaaradda waxa ay muhiim u tahay Dalka oo dhan, waana halka na-gaarsiinkarta aduunka maadaama Tiknolojiyada ay noqotay Furaha Horumarka”…ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Iyada oo la fulinaayo howlaha mudnaanta u leh Qorshaha Barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay xoojineysaa ka dhabeenta Qorshahaas oo laf dhabar ay ka yihiin Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.