Wasiirka Maaliyada DF oo kulamo laqaatay madaxda Bankiga adduunka iyo IMF kahor shirka sanadlaha ee Bankiga adduunka.

Wasiirka Maaliyada DF oo kulamo laqaatay madaxda Bankiga adduunka iyo IMF kahor shirka sanadlaha ee Bankiga adduunka.

New York (Raxanreeb online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan 100 Dal ayaa ka hor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa, Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen  Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaae oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.