Wasiirka Waxbarashada soomaaliya Oo Daah Furay Imtixaano Qoraal Ah Oo Laga Qaaday Macalimiinta.

Wasiirka Waxbarashada soomaaliya Oo Daah Furay Imtixaano Qoraal Ah Oo Laga Qaaday Macalimiinta.

 Muqdisho (Raxanreeb online) – Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furay Imtixaanka qoraalka oo ay macalimiinta u tartamayaan.

Imtixaanka ayaa la sheegay in uu ka socdo 45 goobood oo dalka ah, waxaana la sheegay in 13,000 oo macalimiin ah ay u fariisteen imtixaanaadka.

Soomaaliya ayaa mudnaan siisay waxbarashada iyadoo wasaaradda waxbarashada ay dhawaan shaacisay inay qorsheyneyso inay shaqaaleysiiso ugu yaraan 3,000 oo macalimiin ah si kor loogu qaado tayada iyo helitaanka waxbarashada dalka .

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Federaalka ayaa soo gudbisay codsiyo gaaraya 26,570 codsi shaqo oo heer qaran ah oo ay dhawaan waday qoritaanka macallimiinta, kuwaas oo lagu doonayo in lagu buuxiyo 3,000 oo boosas macalinimo ah.

Hindisaha shaqo qorista ayaa qeyb ka ah qorshaha ballaaran ee Wasaaraddu ay ku dooneyso in lagu xoojiyo qeybta waxbarashada iyadoo la shaqaaleysiin doono macalimiin cusub iyo ballaarinta waxbarashada dalka.

Ololahan ayaa sidoo kale ah tallaabo wax ku ool ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha waxbarashada Soomaaliya, iyadoo fursado shaqo loo fidinaayo dhalinyarada iyadoo sidoo kale wax laga qabanayo baahida loo qabo macalimiin aqoon leh oo ka shaqeeya waxbarashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.