Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka hore ee Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in aysan si dhab ah u hubinin aqoonsiga iyo ujeedooyinka dilumaasiyiinta ajaanibta ah ee dalka loo soo diro.
Mudane Cabdirisaaq oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada, ayaa sheegay in arrintaani ay tahay khalad weyn iyo ceeb qaran oo muujineysa sida uu u liito hannaanka maamul ee dowladdu ku wajahdo xiriirka diblomaasiyadeed.
“Tani waa fadeexad weyn iyo ceeb, Marka dowladda aysan ku guuleysan hawsha ugu fudud ee ah in la baaro aqoonsiga diblomaasiyiinta ajaanibka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya, waxaa dhacaya inaad la macaamisho diblomaasiyiin leh ujeedooyin xu, Tani waa doqonimo cad,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili uu taagan yahay xili uu taagan yahay muran diblumaasiyadeed oo ka dhashay wakiilo ajaanib ah oo lagu eedeeyey inay wateen ajandayaal aan waafaqsaneen madax-bannaanida Soomaaliya.

Leave a Reply