Weerar ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Weerar ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Raxanreeb) Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidmo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Warmaxan oo ku yaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Afooye iyo Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka Warmaxan uu ka dhacay dagaal xooganaa oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, hayeeshee Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay weerarkaas ku dileen lix askari tiro kalena ay ku dhaawaceen, isla markaana ay kusoo qabsadeen Mootada labada lug leh ee Fekon-ta oo ay lahaayeen Ciidamada.

Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen, iyada oo hadda ay degan tahay xaaladda degaanka Warmaxan.

laamaha Amniga & Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay weeraro toos ah iyo Hoobiyeyaal ay ka dhaceen Magaalada muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.