Miinooyin lagu qarxiyay degaano ka mid ah gobolka Hiiraan.

Miinooyin lagu qarxiyay degaano ka mid ah  gobolka Hiiraan.

Beledwayne (Raxanreeb ) Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Federaalka ayaa maanta oo Jimcaha waxa ay sheegtay in ciidanka Dowladda ay fashiliyeen miinooyin la galiyay inta u dhaxeysa Matabaan iyo Belddwayne.

waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidanka Dowladda in miinooyinkan Al- Shabaab ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee waddada adeegsanaya sida ay warka u dhigeen.

”Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday ku guuleystay inay qarxiyaan miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku aastay waddadaasi ” sidaas waxaa sheegay sarkaal u hadlay ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa jug xoogan oo ay ku sheegeen miinooyin qarxay , hase ahaatee aysan xaqiijin karo waxa ay ahaayeen .

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab ayaa isku haya degaano ma mid ah Gobolka Hiiraan , halkaas oo ay ka socdaan howlgal la sheegay in Dowladda ay ku doonayso in amniga ay ku sugto.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhawr jeer ayaa Al- Shabaab iyo Dowladda Federaalka ciidankeeda waxa ay fooda ay isku dareen degaano ka mid ah gobolka Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published.