Weerar toorreey loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Weerar toorreey loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo laga helayo weerar loo adeegsaday toorey oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee xaafadda Seybiyaano gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa geeystay nin ku hubeeysnaa toorreey oo isla markaana ciidamo ku sugnaa halkaasi weerar ku qaaday.

Ninkani ayaa la sheegay in uu kor u dhahayay Allaahu Akbar, kadibna uu beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla halkaasi, waxaana ka dhashay dhaawaca hal askari ah.

Wararka ayaa sheegaya ninka weerarka soo qaaday in isla la toogtay balse uu hadda dhaawac yahay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Dhaawaca ninka weerarka soo qaaday ayaa yaalla mid ka mid ah, Isbitaallada Muqdisho, waxaana ku socota baaris sida ay sheegeen kooxaha Amniga.

Baraha Bulshada, muuqaallo iyo sawirro lasoo geliyay ayaa sheegaya toogashada ninka iyo ciidamada amniga oo ku hareereysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu qeeyb ka yahay kooxda Al-Shabaab, ninkan weerarka soo qaaday balse ma cadda hadda baaris ayaa ku socota.

Weerarkan ayaa ah, midkii ugu horreeyay ee mindi loo adeegsaday ciidamo ku sugan bar koontarool kaasoo aan horey u dhicin.

Muqdisho, ayaa soo hagaageysay amnigeeda maalmihii lasoo dhaafay iyadoona wax arbushaad ama falal amniga liddi ku ah, ka dhicin.

Wararkan wixii kusoo kordha halkan kala soco.