London (Raxanreeb) — Xafiiska Arrimaha Dibedda, iyo Horumarinta ee loosoo gaabiyo (FCDO) ee Dowladda Uk, u qaabilsan Horumarinta Dibedda ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $9 milyan oo doollar ah, oo lagu darayo mashruuca ADRifi.
Mashruucan waa mid Bangigaga Horumarinta Afrika, oo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka SODMA, ay fulineeyso, Xafiiska ayaa ballan qaadkan sameeyay intii lagu guda jiray shirkii Caalamiga ahaa ee lagu falanqaynayay arrimaha isbaddelka cimillada COP28, ee ka dhacay Isutagga Imaaraatka Carabta.
Maxamuud Macallin Cabdulle guddoomiayaha hay’adda Maareeyntabiyo Masiibooyinka SoDMA, ayaa uga mahadceliyay deeqdan (FCDO), isagoona sheegay inay ku ammaananyihiin xafiiska.
Tallaabadan ayaa la isleeyahy wax badan ayay ka baddeli kartaa abaaraha iyo daadadkii xoogganaa ee ka dhashay Elńínò, in loogu gurmado dadka dhibeeteysay fahathaadda xooggan.
Sidoo kale wax badan ayay ka baddeli kartaa lacagtan dhan $9 milyan ee dollarka ee Uk u yaboohday Soomaaliya haddii loo maareeyo sida saxda ah, ee aan la musuq maasuqin.
Inkasoo Dowladda Soomaaliya, ay ka gasho qiimeeynta musuqa adduunka sannad kasta kaalinta 1-aad, oo ah, waddadamada adduunka waddanka ugu musuqa badan.