Beledwayne (Raxanreeb ) –Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxaa ka taaga xaalada hubinti la’aan ah , taas oo ka dhalatay iska hor imaad maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas.
Gudaha magaalada waxaa ka jira , afduub loo kala gaystay dadka ka mid ah kuwa deegaanka oo saamayn ku – yeelatay dagaalka ka dhacay magaalada Beledwayne.
Waxaa meesha ka baxay wada – hadalo la doonayay in lagu xaliyo xaalada magalada Beledwayne ee salka ku haysa arrimaha maamulka Hirshabeelle.
Magaalada Beledwayne ayaa dadka ku nool waxa ay ku sheegayaan in ay muuqanayso in wali la isku birtumanayo taas oo ku keentay dadka magaaladaas ku nool culays xoogan.
Magaalada hada waxa ku sugan xubno sheegtay inay yihiin maamulka Hiiraan State kuwaas oo magaalada hore uga saaray , xubno kale oo ka mid ahaa maamulka Hirshabeelle.
Hirshabeelle dhankeeda ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen , xaalada hubanti la’aanta ah ee ka jirta magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Leave a Reply