Xamsa Barre oo la kulmay ganacsatada Muqdisho

Xamsa Barre oo la kulmay ganacsatada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla-jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.

“Dowladdeennu waxay diiradda saareysaa sidii ay u abuuri lahayd jawi ay ku bullaallaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, halkaas oo hal abuurrada ganacsiga lagu dhiirrigeliyo, ayna ku kobcaan maalgashiyada dibadeed iyo kuwa guduhuba,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa u sheegay madaxda iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho.

Waxuu kula dardaarmay ra’iisul wasaaruhu ganacsatada in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

Xamza ayaa dhawaan sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamza oo markaas ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

“Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno (waddamada kale) waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.”