P’yŏngyang (Raxanreeb) — Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hadashay hubka lagu eedeeyay inay siisay kooxda Xamaas ee weerarka ku qaaday Israel.
Militariga Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay inay dabogal ku hayaan astaan iyo raad muujinaya in dowladda Waqooyiga Kuuriya ay hubsiisay kooxda Xamaas ee dagaalka kula jirta Israel.
Hubkaas ayaa la rumeysan yahay in loo adeegsaday weerarkii ay Xamaas qaaday labada toddobaad kahor ee wlei socda.
Sarkaal u hadlay ciidamada Koonfur Kuuriya ayaa sheegay inay arkeen cadaymo muujinaya inay Koonfur Kuuriya ay hub u dirtay dalalka bariga dhexe iyo kooxaha xagjirka ah.
Waxa uu intaas ku daray in xadka Israel sidoo kale laga helay nooca madaafiic 122mm ah oo ay Kuuriyada Waqooyi samaysay, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay adeegsatay Xamaas.
Sarkaalka ayaa sidoo kale soo jeediyay in xeelada Xamaas ee duulaanka ay ku qaadayaan kuwa mootooyinka ah ay ka imaan karaan Kuuriyada Waqooyi, isaga oo tilmaamaya tabobarka sare ee hawada ee ciidamada Kuuriyadda Waqooyi.
Kuuriyadda Waqooyi ayaa beenisay warkaas ah inay hub siisay Xamaas, hubkaas oo loo adeegsaday weerarka Israel.
Wakaalad Wararka Reuters ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ku tilmaamtay eedeynta loo jeediyay iskuday in dowladda Mareykanka ku dooneysa inay isaga weeciso kaalinta ay ku leedahay colaada Halkaas ka socota.
Waxay intaas ku dartay in la doonayo in Mareykanku helo dal kale oo saddexaad oo dusha ka saaro waxa ka dhacaya barriga dhexe.