Xasan Sheekh oo diidan in loo hambalyeeyo Puntland–Khilaaf madasha ka jira

Xasan Sheekh oo diidan in loo hambalyeeyo Puntland–Khilaaf madasha ka jira

Muqdisho (Raxanreeb )  Xubnaha madasha wada-tashiga qaran ayaa la sheegayaa in khilaaf uu soo kala dhax galay sabab la xiriirta doorashada Puntland.

Shirka oo lagu waday in mar hore la soo gaba- gabeeyo ayaa xubnaha shirsan u kala  jabay laba dhinac  kuwaas oo isku mari waayay in loo hambalyeeyo  Puntland.

Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka Somaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa in ay diideen in warmurtiyeedka lagu xuso in hambalyo loo diro Puntland.

Madaxwaynayaasha Koonfur Galbeed , Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa iyagana isku saf ka noqday in ay mudan tahay Puntland in lagu bogaadiyo doorashada qof iyo Qof ee ay qabteen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ilo madax banaan waxa ay xaqiijiyanayaan inuu ka diidan yahay xubnaha kale in la soo hadal qaado , doorashada Puntland oo isaga u arko mid aan haboonayn xilligan.

Lama oga sida wax laga yeeli doono maadama madashada hadda ay isku khilaafsan tahay in doorashada Puntland ay mudan – tahay in laga hadlo oo talaabo wanaagsan lagu  tilmaamo , maadama ay fureen dhabo cusub.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa   kol hore sheegay in Puntland uu ka dhici doono khalalaase haddii aan laga baaqsan doorashada qofka iyo codka ee golayaasha deegaanka ee  ugu danbeyn ay qabteen.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre labaduba waa ay diidan yihiin doorashada qofka iyo codka ah ee Puntland ay qabtay iyaga oo ku tilmaamay in dhibaato u horseedi karta dadka Puntland.

Puntland ayaa idhaha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed tustay in in la qaban karo doorasho dadwaynaha ay ka qayb qaadanayaan oo laga gudbi karo , nidaamka dalka ragaadiyay ee doorashada dadbadan

Leave a Reply

Your email address will not be published.