Xasan Sheekh oo doonaya in dib loo bilaabo howgaladii fashilmay & saraakiil la canaantay

Xasan Sheekh oo doonaya in dib loo bilaabo howgaladii fashilmay & saraakiil la canaantay

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen saraakiisha amniga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa looga hadlay kulankan sidii markale loo bilaabi lahaa howlgaladii ka socday gobolada dalka kaas oo hakad uu ku yimid in muddo ah.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiisha amniga warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta dalka iyo sida ay tahay in dib loo bilaabo.

MD Xasan Sheekh ayaa ku canaantay saraakiisha ciidanka sida looga gaabiyay howlgaladii dardarka ku socday ee ka socday maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Galmudug.

Wuxuu Madaxweynaha tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka kooxda Al- Shabaab.


Si kastaba waxaa muuqanaysa in ay hakad galeen howlgaladii ka socday maamulada dalka isla markaana hadda Al- Shabaab ay bilaabeen in dib ay ugu soo laabtaan deegaanadii laga saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.