Xasan Sheekh oo hortagaya BFS + damaca Itoobiya

Xasan Sheekh oo hortagaya BFS + damaca Itoobiya

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maantoo talaada ah, hortagi doona labada aqal ee baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka, ayaa xalay farriimo u diray xildhibaanada ka tirsan labada aqal ee DF kaasi oo maanta uu imaanayo madaxweyne Xasan.

Shirkan deg dega ah, ayaa imaanaya kaddib go’aankii Muuse Biixi ee Itoobiya uu u saxiixay 20km oo badda Soomaaliya ah.

Xasan Sheekh, ayaa maanta hortagi doona Baarlamaanka, isagoona ka sheegi doona halkaasi mowqifkiisa ku aaddan siinta badda Itoobiya.

Sidoo kale Xukuumadda DFS, ayaa la filayaa saacadaha soo socda inay go’aan cad kasoo saarto heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa isugu imaanaya kulan deg deg ah, si go’aan looga gaaro tallaabada Muuse uu qaaday, eedamaca Itoobiya.

Go’aanka Xukuumadda ayaa lasoo werinaya in gebi ahaanba toos loo diido siinta 20km ee Badda Soomaaliya Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkoodu, wanaagsanaa sannadihii ugu danbeeyay. Abiy Axmed, oo madaxweyne Farmaajo saaxiibo dhow la’ ahaa muddadii uu talada hayay.

Kulano xasaasi ah, oo sidoo kale ka socda Villa Somalia, islamarkaana looga tashanayo sidii laga yeeli lahaa dama xun ee Itoobiya.