WARCUSUB : Garoowe oo cabsi loogu qabo  in gacan ka hadal uu ka dhaco.

WARCUSUB : Garoowe oo cabsi loogu qabo  in gacan ka hadal uu ka dhaco.

Garoowe (Raxanreeb ) Dhaq dhaqaaq ciidan  ayaa ka socda magaalada Garoowe, dhinacyada ayaa xilli walba iska hor imaan kara.

Warar laga helayo Garoowe ayaa sheegaya  in mucaaradka aysan haysan  xulasho aan dagaal ahayn haysan mana jiro wax waan – waan ah.

Magaalada gudaheeda waxaa lagu arkayaa ciidamo  fara badan  kuwaas oo cabsi galiyay dadwaynaha ku nool xaafadaha Garoowe sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ololayaasha ku jira hardaganka madaxtinimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in aan la aqbali karin in la boobo dooarshada , talaabooyinka uu qaaday Saciid DENI ay tahay xukun marooqsi.

Magaalada waxaa ka soconaya shirar iyo dhaq dhaqaaq looga hadlayo xubnaha xildhibaanada ee la sheegay inay riixaysa Madaxtooyada maamuka Puntland ee hada uu fadhiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Isimada ayaa dhankooda waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku dejiyaan xiisadaha siyaasdadeed ee ka sii daraysa maalinba maalinta ka danbeysay ee salka ku ah dooarshada.

Haddii aan  xal rasmi ah loo helin xiisadaha hadda ka taagan Puntland ayaay falanqeyayaashu leeyihiin waxaa suurtagal ah in markale magaalada Garoowe  uu ka dhaco gacan ka hadal galaafta nolosha dad aan waxba galabsan.

Goor sii horeysay Warsaxaafadeed ay soo saareen  xubnaha mucaaradka ayey ku sheegeen inay aqoonsanayn liiska xildhibaanada Puntland ee  lagu dhawaaqay, maadaama aan loo marin habraacii lagu soo xuli jirey xubnaha golaha wakiilada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.