Xiisad xooggan oo ka taagan magaalada Kismaayo

Xiisad xooggan oo ka taagan magaalada Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, kaaas oo sheegaya in saakay magaaladaas ay ka taagan tahay xiisad xooggan, kadib tallaabo ay qaadeen ciidamada amniga ee maamulka Jubbland.

Laamaha amniga ayaa xabsiga u taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, saacadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa xalay weerar culus lagu qaaday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baalleey Xuseen.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa lasoo werinaya in haatan ay tahay mid kacsan taas oo ka dhalatay weerarka guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Jubbaland.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan ay billaabeen mucaaradka maamulka Jubbaland, dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaas oo muddo sannado ah, halkaasi Madaxweyne ka ah.

Mucaaradka ayaa dalbanaya in la aado doorasho xalaal ah, taas oo haatan la qabanayo halka Axmed Maxamed Islaam Madoobe, uusan oggoleeyn in uu qabto haatan doorasho.

Jubbaland, ayaa marar badan waxaa kusoo laab-laabta muranka doorashada kaas oo aan badanaa laga gaarin xal waara.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kursiga haaya muddo ka badan 12 sanno oo halkaasi Madaxweyne ka yahay kaas oo aan marnaba oggoleeyn doorasho toosan.