Xildhibaannada labada gole ku metela Puntland oo war-saxaafadeed xasaasi ah soo saaray.

Muqdisho (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaamka Soomaaliya deegaan doorashadoodana tahay  Puntland, ayaa si weyn u taageeray doorashada la qorsheenayo maamulka Jubbaland ka dhacdo.

Xildhibaannadan oo ka kooban 26 mudane ayaa sidoo kale sheegay in ay si adag u diidan yihiin mudda kororsiga dowladda Federaalka Soomaaliya u samaysay dowlad goboleedyada iyo qorshaha la doonayo in lagu meel mariyo doorashada qof iyo cod iyo mida asxaabta.

Xubnahan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ka abuurayso degaannada Puntland iyo Jubaland, waxaana ay uga digeen Villa Somalia tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah amniga iyo xasiloonida labadaasi dowlad goboleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.