Xisbiga Himilo Qaran ayaa bogaadiyay go’aanka maamulka Jubbaland ee doorashada maamulkaas.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihiu hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa taageeray guddiga doorashooyinka uu xalay magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kalel, Xisbiga Sheekh Shariif ayaana boggaadiyay tallaabada dastuuriga ah uu qaaday Axmed Madoobe, waxa ayna taageereen Xisbiga Himilo Qaran in maamulka Jubbaland doorashadooda dastuuriga ah qabsadaan.

Dhanka kale, waxa ay ku eedeeyeen Xisbiga Himilo Qaran dowladda Federaalka in masuul ka tahay in ay sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada oo muddo xiloodkooda uu mar hore dhammaaday ayna qabsan waayaan doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.