XOG & XUURANSI : Xasan Sheekh & Laftagareen oo  qaaday waddo kale oo Khilaaf ah.

XOG & XUURANSI : Xasan Sheekh & Laftagareen oo  qaaday waddo kale oo Khilaaf ah.

Muqdisho (Raxanreeb )- Khilaaf hor leh ayaa soo shaac baxay kaas oo u dhaxeeya madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa ka dhashay diidamada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ee ka bixiyaanka dalka Ciidanka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Xogo horudhac ah oo ay helayso Raxanreeb ayaa sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Laftagareen ay yeelan doonaan shir dhanka Telefoonka ah oo ay uga wada- hadlayaan xaaladda soo korortay.

Laftagareen ayaa u arka ciidanka Itoobiya awood wayn oo ka hortgaan kooxda Al- Shabaab iyaga ilaaliya xarumaha muhiimka ah ee maamulka Koonfur Galbeed .

Lataliyaha Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Itoobiya ay Dalka ka baxayaan dhammaadka Bisha Deseembar sanadkaan 2024.

Sida uu dhigayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay tirsigiisu yahay 2710 (2023) marka la gaaro dhammaadka sanadkaan 2024 waxaa lasoo baddelayaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee horay looga baddelay AMISOM.

Xitaa haddii sanadka 2025 gaar ahaan Bisha Janaayo muddo kooban lagu daro ama wax laba baddelo qorshaha ATMIS kama sii mid ahaan doonnaan Ciidamada Itoobiya sida uu sheegay Lataliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.