Ukraine ( Raxanreeb Online) Xulafada reer Yurub ayaa taageero u muujiyay Ukraine, iyagoo ku adkaystay in wadahadal kasta oo nabadeed oo lala yeesho Ruushka ay tahay in lagu daro Kyiv.
“Jidka nabadda ee Ukraine lama go’aansan karo Ukraine la’aanteed,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Poland, Finland iyo Midowga Yurub.
Hadalkooda ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu Jimcaha Alaska kula kulmi doono dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, tan oo ah dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Isagoo ka walaacsan in Ukraine aan lagu martiqaadin wadahadalkeeda nabadda, Madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in heshiis kasta oo aan Kyiv lagu darin uu noqon doono “go’aano dhintay”.
Gelinkii dambe ee Sabtidii, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu kulan saddex geesood ah la yeesho labada Putin iyo Zelensky – laakiin hadda, waa labadooda oo keliya, sida uu markii hore codsaday hoggaamiyaha Ruushka.

Leave a Reply