Cabsi laga muujiyay xiriir ay yeelan rabaan Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo…

Cabsi laga muujiyay xiriir ay yeelan rabaan Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo loo yaqaan Xuutiyiinta, ayaa sii xoojineysa xiriirka ay la leeyihiin labada kooxood ee Soomaaliya ka dagaallama ee Al-Shabaab iyo Daacish Soomaaliya. Khubaro amni iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in xiriirkan uu keeni karo in kooxahaasi helaan hub casri ah, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka...

Trump oo ka hadlay toogasho ka dhacday Marakeynka

Trump oo ka hadlay toogasho ka dhacday Marakeynka

Washington (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu daawaday muuqaal laga duubay toogashada haweeneydii Minnesota ay ku toogteen askarta ICE, isagoo ku tilmaamay muuqaal daawashadiisa “laga argagaxo”. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuu sii raaciyay in haweeneyda la toogtay ay ahayd “mid jahwareersan, oo iska caabinaysa, Sarkaal ICE, kaas oo uu sheegay inuu u muuqay...

Yaa bixiyay amarka lagu burburiyay Bakhaarki rashiinka ku jiray ?

Yaa bixiyay amarka lagu burburiyay Bakhaarki rashiinka ku jiray ?

Muqdisho (Raxanreeb Online) sida ay ilo wareedyo inoo sheegeen Bakhaarkii ay Dowladda Mareykanka sheegtay in si sharci-darro ah loo burburiyay kuna yaallay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in amarka lagu burburiyay uu bixiyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdilqaadir Maxamed Nuur. Dowladda Mareykanka ayaa si cad u muujisay walaac weyn, iyada oo ku eedeysay mas’uuliyiin...

Siciid Deni oo si kulul uga hadlay aqoonsiga ay heshay Somaliland

Siciid Deni oo si kulul uga hadlay aqoonsiga ay heshay Somaliland

Garoowe (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa maanta la shiray siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah bulshada caasimadda ee Puntland oo uu kala hadlay isbeddellada-siyaasadeed ee socda, xaaladda dalka & arrimaha-gudaha Puntland. Siciid Deni ayaa hoosta ka xarriiqay in aysan gorgortan geleyn midnimada Soomaaliya, wuxuu se adkeeyey in DFS  ay ka shaqaynayso kala-tagga Soomaalida. “Dowladda Federaalka ayaa...

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay dibedbaxyada dalka Iiraan

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay dibedbaxyada dalka Iiraan

Tehran (Raxanreeb Online) Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay dibedbaxyada ka socday Iran 10-kii maalmood ee ugu dambeeyay, sida ay sheegtay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’adda shisheeye ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha (HRANA), ayaa sheegtay in 34 ka mid ah dadka la xaqiijiyay ee dhintay ay ahaayeen dibadbaxayaal, halka laba kalena ay xiriir la lahaayeen ciidamada ammaanka. Maamulka...

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo booqasho ku imaanaya dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo booqasho ku imaanaya dalka

Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa booqasho ku imaan doona Soomaaliya, waxa uuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareeysa dalka, isaga oo kala hadli doona qqodobo kala duwan. Sidoo kale Wang Yi, ayaa safarkiisa waxa uu ku mari doona dalalka kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho, ka dib markii casuumaad loo fidiyay laga bilaabo...

Dibadbax ballaaran oo ka dhan xadgudubka ay Israa’iil ku heyso Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Dibadbax ballaaran oo ka dhan xadgudubka ay Israa’iil ku heyso Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Daljirka Daahsoon ka socda dibadbax ka dhan ah Faragelinta sii xooggaysatay ee Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya iyo dalka ay kala goyso Yuhuudda, waxaa ka qaybgalaya Culima’uudiin iyo dad kale. Khudbado ay jeediyeen qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka diimeed ee Yuhuudda ku yeelan karto Dalkeenna haddii...

Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.

Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun. Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Ujeedka socdaalka wafdigan...

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaaray magaalada Hargeysa

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil oo gaaray magaalada Hargeysa

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaa maanta gaaray wefdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa;re. Wefdigan ka socda Israa’iil ayaa madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro , waxa uu ku qaabilay madaxtooyada Somaliland, iyada oo la dhinac ay kawada hadli doonaan arrimo kala duwan. Warbaahinta gudaha iyo tan Israa’iil ayaa tabinaya in labada dhinac ay kawada...

Waa kuma taliyaha cusub ee loo magacaabay hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D ?

Waa kuma taliyaha cusub ee loo magacaabay hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Taliye cusub oo loo magacaabay hoggaanka Hay’adda Dambi baarista ee C.I.D-da ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ibraahim Dhaayow ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee C,I.D-da, isagoo bedelaya taliyihii hore ee xilka laga qaaday ee Sadiiq Doodishe. sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah, Dhaayow waa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska,...

Maxey kawada hadleyn Siciid Deni iyo xubno katirsan mucaaradka oo…

Maxey kawada hadleyn Siciid Deni iyo xubno katirsan mucaaradka oo…

Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay howlaha hortabinta u leh golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooya maamulka Puntland. Guddiga farsamada golaha mustaqbalka, ayaa ka kooban...

Xubno katirsan kooxda AS oo lagu dilay gobolka Gedo

Xubno katirsan kooxda AS oo lagu dilay gobolka Gedo

Baardheere ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Ceel Cilaan oo 30-KM dhanka bari kaga began degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ciidanka u suuragashay ku dileen 5 xubnood oo katirsan maleeshiyaadka Al-shabaab. Xubnaha howlgalka lagu dilay...