Suudaan ( Raxanreeb Online) Waa lasoo wariyanaya in Ku dhawaad 100 qof ay ugu dhintay daacuun caloole laba toddobaad gudahood gudaha dalka Suudaan, tan iyo markii uu cudurkan biyaha ka dhasha uu ka dillaacay gobolka Niilka Cad ee dalka Suudaan. Sidaaina waxdaa sheegaytay hey’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.
Sida hey’adu sheegtay waxaa xaaladda gobolkan uga sii daray korontada oo dad badan ka go’day iyo tubooyinka iyo ceelsha biyaha oo aan shaqeyneyn.
Sida ay wararku sheegayaan, dadka gobolka ku nool ayaa sidaa daraadeed ku qasbanaaday in ay badankood ku tiirsanaadaan biyaha lagu soo dhaamiyo gaari-dameerrada oo caafimaadkooda iyo nadaafadoodu aaney wanaagasaneyn.
In ka badan 2,000 oo qof ayuu soo ritay daacuunka tan iyo 20-kii bihsii Febraayo, ilaa iyo markaana waxaa u dhiintay dad gaaraya 92qof.
Sudan waxa uu dagaal ka socdaa ku dhawaad laba sano ka dib markii ay xurguf dhex martay ciidamada Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee RSF, dagaalka oo ka bilowday magaalada Khartoum ayaa ku fiday guud ahaan dalkaas.
Leave a Reply