Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay digniinaha la xiriira dhinaca amniga ee maalmahan soo baxayay kuwaasi oo ah in weeraro ay al-shabaab, ka geysan karaan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka mar uu soo maray khatar adag, balse waxa uu sheegay in hadda aysan jirin khatar dhinaca amniga ah, isla markaana waxa uu ka digay in la joojiyo wararka propagaandada ah ee bulshada lagu cabsi gelinayo sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay hadalkiisa madaxweyne Xasan, in digniinahan la xiriira khatarta dhinaca amniga ay yihiin farriimo ay al-shabaab soo dhex marsadeen Soomaali iyo Ajaanib, balse amniga dalka uu ku jiro gacan adag.
Geesta kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay guulaha ay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay ka garaan howlgallada dalka ka socda, waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga ay jab xooggan gaarsiiyeen a-shabaab, ayna ka qabsadeen deegaano iyo degmooyinka muhiim ah oo ay horay ay kooxdu gacanta ugu hayaan.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loowada istaago dagaalka al-shabaab, si dalka looga xureeyo kooxdaasi.
Leave a Reply