Somaliland oo xukun dil ah ku fulisay rag horay u dilay Sarkaal iyo askari

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta waxa ay dil toogasho ah ku fulisay labo xukunsane oo lagu eedeeyey inay dileen Taliyihii saldhigga Booliska Maxamed Mooge iyo askari katirsan ciidanka ilaalada waddooyinka ee Somaliland.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa 6-dii bishaan xukun qisaas ah ku riday labada gacan ku dhiigle.

Ehelka labada dhinac oo muddo isku dayay inay raadiyaan xal kale ayaa sheegay in laisku fahmi waayay, iyadana oo maanta toogashadii horay ay ugu rideen maxkamadaha kala duwan ee Somaliland lagu fuliyay.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa shalay saxiixay warqada xukunka toogashada maanta lagu fuliyay labada dambiile ee dilka geystay.

Sikastaba, xabsiga Mandheera waxaa ku xiran maxaabiis dambiyo kala duwan ku eedeysan dilal dhac iyo dambiyo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.