Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa booqasho ku jooga Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo Israa’iil ay ka fulisay hawlgal ballaaran oo militari todobaadkii hore.
Day: July 12, 2023
Xamsa Barre oo Wasiiro u kala wareejiyay xilalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige iyo Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cilmi Ibraahim, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee loo Igmaday.
NAIROBI : Rabashado ayaa ka dhacay magaalooyin ka mid ah Kenya
Nairobi (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas goordhaw ay ka bilowdeen rabashado. Waxaa horkacaya rabashadahan hoggaamiyaasha mucaaradka dalka Kenya oo ku baaqay maanta oo Arbacaha ah dibadbaxyo waawayn oo ka dhan ah xukuumada Rutu. Ciidanka amniga Kenya ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu hortagi...
Fadhiyada Golaha shacabka & caqabada maqnaanshaha xildhibaanada
Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku celiyay markale in lala xisaabtami doono xildhibaanada ka maqnaada fadhiyada Golaha shacabka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in la isaga maqnaado fadhiyada taas oo uu sheegay in ay tahay mid masuuliyad darra. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in fadhiyada baarlamaanka mar...
Shirka Wadatashiga madaxdii Hore iyo DFS oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta ka furmay magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Da’uud Aways ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo xaaladda dalka , isla markaana la isku waydaarsan doono muhiimada in dalka laga gudbiyo isgoyska uu taagan...
Soomaalida Islii oo ka walaacsan dibadbaxyada Kenya
Nairobi (Raxanreeb ) Ganacsatada Soomaalida ah ku ganacsada xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan mudaaharaadyada uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee Azimio ee uu hogaamiyo Raila Odinga. Soomaalida ganasatada ayaa ugu baaqay , Dowladda in ciidamo fara badan ay geyso xaafada islii gaar ahaan suuqyada waawayn ee ay ku ganacsanayaan dadka...
SOOYAAL : Xarigga & Xogta Eng Zahra ”Waxa la igu maagay waa dulmi”
Muqdisho (Raxanreeb ) Taariikhda markii ay ku beegnayd May 07, 2023 goor galab ah qiyaastii 3:40 pm waxaa xafiiskayga Shirkadda (SOSTEC Technologies) ee ku taalla Treepinayo iga ka xaystay rag igu handaday in waxa qalab shirkadda yaalla ay ranayaan, sidoo kale qori igu handaday, haddii aan weydiiyay cadayn in ay wataan( Warran) ay ii sheegeen...
Dowladda Federaalka oo qayb ka ah dagaalka ka socda Laascanood
Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa wali ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee Khaatumo. Wax xal ah wali lagama gaarin dagaalka ka socda magaalada Laascanood , waxaana magaalada inta badan isaga barakacay dadkii deganaa kuwaas oo ku dayacan magaalooyin kale oo dalka ah. Odayaasha dhaqanka ee gobolka...
WARKOOBAN : Muqdisho oo shir uu soo qaban qaabiyay Xasan Sheekh ka dhacaya
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca ah waxa magaalada Muqdisho ka furmaya shir uu ku baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud . Wax aka qayb galaya shirkan madaxdii hore ee dalka soo maray kuwaas oo inta badan soo gaaray magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa , qodobo ka mid ah shirkii Golaha...








