Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta ka furmay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Da’uud Aways ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlayo xaaladda dalka , isla markaana la isku waydaarsan doono muhiimada in dalka laga gudbiyo isgoyska uu taagan yahay.
Waxa shirguddoominaya shirkan madaxweyne Xasan Sheekh oo lahaa dalabka ku saabsan shirkan inuu ka furmo maanta magaalada Muqdisho.
Xubnaha ka qeybgalaya shirkan oo u badan ra’iisul wasaarayaal iyo gudoomiyayaal baarlamaan oo hore waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid,C/weli Gaas, Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.
Gabagabada shirkan waxaa lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed la xiriira xaaladda iyo isbedelka guud ee dalkaas oo ay isku waafaqayaan dhinacyada ku shirsan magaalada Muqdisho.
Leave a Reply