Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025 oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaareysa 41,076, oo wax ka barta Dugsiyadda Dhexe ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ka...
Day: August 14, 2025
Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee golaha wasiirrada xukuumadda ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana warbixino looga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda....
Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsanaa AS
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maanta oo Khaamiis ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo geystay falal amni darro ah. Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed ( Anwer) Xamsa Jeylaani Cabdullaahi ( Abtiga) Xassan Cali Xuseen (...
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgooyska Tarbuunka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan kaasi ka dhacay agagaarka Isgooyska Tarbuunka ee magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii ciidanka dowladda, ay amreen in laga guuro dhulka garoonka kubada cagta hoorseed ee xoogga Soomaaliyeed. Goob jogaayal ayaa sheegay in...
Suudaanta koofureed oo beenisay inay kala hadleen Yahuuda dib u dejinta dadka Qasa
Sudan ( Raxanreeb Online) Dowladda Suudaanta koofureed ayaa si adag u diiday warar sheegaya inay kala xaajoonaysay Maraykanka iyo Israa’iil qorshe dib u dejin loogu dejinayo Falastiiniyiinta Qasa. Warbixinno soo baxay toddobaadkan ayaa lagu sheegay in dalka ugu da’da yar caalamka uu wado qorshayaal Tel Aviv ka leedahay sidii loo fududeyn lahaa barakicinta ballaaran ee...




