21-qof oo u badnaa  shacab oo lagu laayay duleedka Afgooye ee Sh.Hoose.

21-qof oo u badnaa  shacab oo lagu laayay duleedka Afgooye ee Sh.Hoose.

Afgooye (Raxanreeb )- Wararka  laga helayo duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas duqeymo ay ka gaysteen diyaarado dagaal oo la sheegay in ay caawinayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa lagu soo waramayaa in inta badan lala eegtay qoysas Soomaaliyeed oo  deganaa deegaanka lagu magacaabo Bagdaad halkaas oo hooy u ahayd dadkan.

Inta la xaqiijiyay duqeyntan waxaa lagu dilay dad gaaraya 21-qof oo u badnaa haween, carruur iyo dad da’ ah, waxaa sidoo kale duqeyntan ku dhaawacmay oo la keenay isbitaalka Madiina 19-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Ehelada dadkan lagu laayay deegaanka Bagdaad ayaa sheegay in la xasuuqay dad isku qoys ahaa oo naftooda kala soo baxsaday dagaallo ka dhacay Basra iyo Jambaluul, waxa ayna dadkan codsadeen caddaalad iyo in dowladda ka hadasho dadkan la xasuuqay.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah ma aysan ka soo saarin  dhibaatadansoo gaartay dadka shacabka ah ee lagu duqeeyay deegaano ka mid ah  gobolka Shabeelleha hoose si gaar ah duleedka Afgooye.

Dhawr jeer sidan oo kale  diyaaradaha dagaalka ee caawiya Dowladda Soomaaliya ayaa duqeeymo ka gaystay deegaano badan oo dalka kuwaas oo waxyeelo u gaystay dadka shacabka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.