32 Qof oo ku geeriyooday qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

32 Qof oo ku geeriyooday qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo – baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xebta Liido ee magaalada  Muqdisho , halkaaas oo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka waxyeelada ay soo  gaartay ayaa la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho kuwaas oo isugu jira kuwa culus iyo kuwo fudud.

In  ka badan 35 qof ayaa ku geeriyootay  63 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay Booliska Soomaaliyeed.

Muuqaallo barahaha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dad Mayd iyo dhaawac isugu jira oo daadsan xeebta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.