Muqdisho (Raxanreeb ) Maalintii labaad ayaa laga ciiday maanta meelo badan oo dalka ah waxaana socda qalida xoolaha si loogu sadaqaysto dadka masaakiinta ah.
Dadbadan ayaa maalinkii labaad lagu arkayaa oo isugu soo baxay waddooyinka caasimaadda iyo qaar ka mid ah gobolada dalka .
Laakiin maanta waxaa maalintii kowaad ay u tahay oo laga ciidayaa degmada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud halkaas oo tabiirta laga maqalyo Masaajido ka mid ah Degmada.
Inta badan gobolad Dhexe oo mar ay maamuli jireen Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dadka ka danbeyn jiray maalmaha ciida , iyadoo hadda meesha ka baxday , awoodii Ahlu Sunna.
Dadka Soomaaliyeed ayaa iskugu hambalayaynayaa maalinta labaad ee ciidul Adxaa oo ka mid ah maalmaha farxada badan guud ahaan dunida Islaamka.’
Amniga magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar ee dalka ayaa aad loo akeeyay waxaana waddooyinka la dhigay askar ka qayb qaadata amniga sidii loo xaqiijin lahaa.
Leave a Reply