Madaale oo ka degay Dhuusamareeb

Madaale oo ka degay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Raxanreeb) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarat magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaale ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale oo kamid ah bulshada deegaanka.

Intaas kadib duqa magaalada Muqdisho ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweyne Xasan Sheekhm Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale.

Yuusuf Madaale ayaa waxaa u yeeray madaxweynaha oo halkaas ku sugan muddo ka badan 50 cisho, waxayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddoomiyaha gobolka ayaa wax laga weydiin doonaa xaalada ammaan ee kasoo kordhay Muqdisho, kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo xoogan.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul iska xog wareysan doonaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa iyo xubno Shabaab ah oo la sheegay inay soo galeen caasimada, kuwaas oo kasoo cararay furimaha dagaalka ee gobollada dalka.

Horay Dhuusamareeb waxaa u tegay guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo iyagu shalay kulan lasoo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhammaan, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay qayb ka yihiin abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.