Mahad Salaad oo loo diiday Galmudug –Shaki badan oo uu qabo Qoorqoor

Mahad Salaad oo loo diiday Galmudug –Shaki badan oo uu qabo Qoorqoor

Dhuusmareeb (Raxanreeb )  ka dib weerarkii waxyeelada ay ka soo gaartay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo arintaas ka dhashay.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa diiday in   Galmudug uu sii joogo isla markaana uu ka soo dego Taliyaha NISA Mahad Salaad oo shaki badan laga qabo.

Mahad ayaa ka mid ahaa xubno la socday Madaxwayne Xasan Sheekh kuwaas oo ku sugnaa magaalada Jabuuti waxaana dib u soo laabashadiisa ka dib la xaqiiyay in Qoor qoor uu ka biyo diiday in Mahad uu ka soo dego Dhuusmareeb.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa lagu soo waramayaa  inuu bilaabay in si gaar ah uu isaga ilaaliyo siyaasiin badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaas, wixii kad danbeeyay weerarkii uu ku dhaawacmay [Qoorqoor ].

Madaxwayne Xasan ayaa u sheegay Mahad Salaad inuu u gudbo magaalada Muqdisho ka dib  culays tagitaankiisa Dhuusmareeb uu  ka qabo Madaxwayne Qoorqoor.

Dhuusmareeb ayaa waxaa ka  bilowday kala shaki ciidanka iyo masuuliyiinta ah Madaxwaynaha Galmudug ayaa hadda isu arko in Villa Soomaaliya awoodiisa ay la wareegtay isagana uu tijaabinayo markaan in deeganada Galmudug  qofka uu doono ka mamnuuci karo ama uu u diido labaduba.

Tartan  adag ayuu wajahi  doonaa sida la sheegayo  Qoorqoor maadama  hoggaanka Galmudug loo gali doono loolan taas oo shaki galisay Madaxwaynaha talada haya ee Qoorqoor isla markaana meel gaar ah uu ka ooto magaalada si  amnigiisa loo sugo.

In mudda ahba siyaasiin badan oo Galmudug ka soo jeeda ma aysan isku wanaagsanayn Qoorqoor , waxaa ka mid ah xubnahaas Abshir Bukhaari oo ah wasiiru  dowlaha Madaxtooyada.

Keliya Xasan Sheek uma joogo Dhuusmareeb howlgalka  ka dhanka ah Al- Shabaab waxa sidoo – kale lagu soo waramayaa inuu ku howlan yahay sidii uu u xalin lahaa siyaasiin kala fakar duwan oo ay xorgufi ay u dhaxeeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.