Doha (Raxanreeb ) Madaxwayniii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaho ayaa sheegay in kuhiim ay tahay in loo gurmado Qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ka soo gaartay daadka ka dhashay roobabka ka da’aya dalka.
Waxa uu sheegay Madaxwaynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu aad ugu xun yahay dhibaatada Qoysaska ay gaartay sidaas darteeda ay muhiim ay tahay in la is caawiyo.
Farmaajo ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay dunidda ka joogaan in ay u istaagaan sidii ay u gar gaari lahaayeen waxna ugu tari lahaayeen walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay fatahaada.
”Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka” ayuu yiri Farmaajo.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn ku baaqay in loo hoggaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah, waxauuna tacsi u diray dadka ehelkooda ku dhinteen fatahaadyada.
Hadalka Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo dalka ay ka taagan tahay dhibaatooyin badan oo ka dhashay daad ka dhashay roobab mahiigan ah oo dalka ka da’ay.
Leave a Reply